- Version
- Download 1
- File Size 733 KB
- File Count 1
- Create Date February 2, 2025
- Last Updated February 2, 2025
Kaalinta Caabuqa Covid-19 ee Muujinta Goldaloolooyinka Xeerarka Soomaaliya: Darsid Naqdin iyo Falanqeyn
Mucda Qoraalka (Abstract)
Caabuqa Covid-19 wuxuu ahaa safmar wax ka badalay habnololeedka dunida, wuxuuna soo saaray gaabiska dunida ee dhanka adeegyada sida caddaaladda, caafimaadka, waxbarashada iwm. Meelaha xanuunka Covid-19 uu saamaynta wayn ku yeeshay waxaa ka mid ah dhanka xeerarka, maadaama xeerku uu yahay agabka dowladaha ee loo isticmaalo xakamaynta bulshada “Social control”, beddelitaanka
habnololeedka bulshada “Social change” iyo xalinta murannada bulshada “Social dispute settlements”.
Daraasaddan kooban, oo ah naqdin iyo falanqayn ee loo isticmaalay halbeegga falanqaynta naska “descriptive analytical method”, waxay muujinaysaa in xeerarka Soomaaliya aysan u diyaarsanayn ka
jawaabidda iyo xallinta faldembiyeedyada, murannada iyo xuquuqaha ka dhashay aafada Covid-19, ayna tahay in laga fekero ‘xalal xeereed fog’ oo ku dhisan sii odorasidda mushkiladaha.
Erayada Sheegan:
Covid-19, xuquuqda dastuuriga, fulinta heshiisyada, xaaladda degdegga ah, xeerarka Soomaaliya, Mogadishu University, ISOS,