Mucda Qoraalka


Si loola jaanqaado dunida maanta horumartay waxaa loo baahan yahay in qofka Soomaaliyeedi uu lahaado waxyaabo lagu aqoonsado, oo afafka shisheeye lagu yiraahdo “ID”, annaguna qoraalkan aan u adeegsannay ereyga “hayb”, iyadoo la raacayo hab midaysan, oo casriyaysan, lana ilaalinayo nidaamka diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeedba. Haddaba waxaan halkan ku qaadaadhigaynaa haybta qofka Soomaaliyeed oo u baahan in la turxaanbixiyo waxyaabaha lagu aqoonsado, sida: magaciisa gaarka ah, ‘magacaqoys’-kiisa, taariikhda dhalashadiisa iyo degaanka uu ku dhashay.

Mogadishu University,

ISOS,