[featured_image]
Download
Download is available until [expire_date]
  • Version
  • Download 2
  • File Size 0.00 KB
  • File Count 1
  • Create Date January 27, 2025
  • Last Updated January 27, 2025

Awaaltiris

Tixdan

Awaaltiris

Tixdan ‘awaaltiris’ waxaa tiriyay abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, waxay soo baxday 13/9/2009; waxayna ku saabsan tahay dayacaadda iyo dhibaatada ka dhalatay ragga balwadda qaadku dilootay ee ‘ka indhabeelay’ xilkii saarnaa.
Sheeekada ‘Ugaaso’ waa fadeexad naxdin leh. Waa aabbo ku jira ‘iilka qaadka’, dayacay masuuliyaddiisii, hooyadii qoyska ay dantu badday inay masruufkii dusha u ridato; waxayna ka badin wayday inay bacadka iyo qorraxda ‘qaad’ ku iibiso! Odaygii oo dhowr maalmood reerka ka maqnaa ayaa soo galay aqalkii oo la buuxo. Maba waraysan waxa dhacaye, qaad uu sitay ayuu doonay inuu u fadhiisto! Wuxuu u yeedhay inantiisii si ay ugu adeegto ‘Ugaasooy… Ugaasooy’!!! Waa inan dhowr maalmood ka hor geeriyootay, tacsideediina loo fadhiyo!!! Yaab, amakaag!!! Abwaanku, waxaa kale oo uu tilmaamayaa dhibaatada ku habsata bulshada, marka waayeelkeedu ‘la ambado xilkiisa’ ama si gurracan uu u fahmo ‘siyaasadda iyo maaraynta danta guud’.
Abwaan Hadraawi, wuxuu caan ku yahay inuu sheekooyinka ka curiyo maansooyin xambaarsan duluc qotodheer iyo farshaxannimo huwan.
Tixdani waxay ka kooban tahay (255) meeris, oo dhowr qaybood ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This field is required.

You may use these <abbr title="HyperText Markup Language">html</abbr> tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*This field is required.